Isbedelo waawayn ayaa ka socda Geeska Afrika, kuwaas oo saadaasha laga bixinayaa tilmaamayaan Somaliland inay tahay Dalka ugu fursadaha fiican marka laga eego dheefaha ka soo bixi doona maxsuulka ugu danbeeya loolanka dublamaasiyadeed, Dhaqaale iyo Amni ba.
Safiirka Imaaraatka u fadhiya Somaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Somaliya inay qarka u saaran tahay rajo la’aan, halka Uu Somaliland ku tilmaamay inay leedahay mustaqbal ifaya.
Safiirka Imaaraat ku waxa uu sheegay in dalkiisu Somaliland u sameeyey qorshayaal cusub oo uu kaga midho dhalinayo horumarka ay ku talaabsatay, isla markaanna ay taageero dhinac walba ah siinayaan.
Dawladdaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa iyana ku taamaya inay Somaliland Aqoonsadaan, waxaanay isbedelada ka dhacaya dalalkaasi ishaarayaan inay soo baxayaan ifafaalayaal muujinaya siyaasiyan duruufaha ka jira gobolka Geeska inay taageerayaan Somaliland.
Maraykanka labadiisa Aqal ee Baarlamaanku waxay hore u Ansixiyeen taageero dhaqaale oo ah dhinaca Amniga, halka Ingiriisku danihiisa dhaqaale shuraako kula noqday Dekedda Berbera DP world, isla markaana uu hormood kaga yahay huwanta ilaalisa Amniga badda cas.
Itoobiya oo ah Dalka ugu wayn ee Gardaadinaya Guusha Somaliland ayaa fuliyey dhaqdhaqaaqyaddii ugu danbeeyey ee loogu diyaar garoobayey soo gunaandka Heshiiska Amni iyo Ganacsi ee ay Somaliland kala saxeexdeen iyo waliba u wanqalka Ictiraafka Somaliland.
Wasiiradda Arrima dibadeed ee labada Dal ayaa toddobaadkii ugu danbeeyey safaro ay isugu gudbinayaan Dhambaaladda Gunaanadka Heshiskooda ku gaalaa baxay Addis ababa iyo Hargeysa, waxaanay xogaha laga helayaa cadaynayaan in loo xadhko xidhay Damaashaadka iyo Dabaal dega munaasibada fulinta Heshiiska labada Dal.
Waxa soo dhamaaday jid kasta oo looga dan lahaa in lagu wiiqo Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya balse dhamaantood waxay ku af-jarmeen guul darro, waxaanay ka fad kudiyeen dalalkii ku mashquulsanaa hawlahaasi rajo beel.
Madaxweyne Muuse Biixi iyo Abby Ahmed oo hogaaminaya majaraha siyaasadeed ee Geeska Afrika ayaa wajahaya guullo siyaasadeed oo wax wayn ka bedeli doona xaaladda ka taagan Badda cas, waxaanay gadh wadeen ka noqon doonaan cid kasta oo danaynaysa inay saamayn ku yeelato barriga Afrika oo xudun u ah Amniga iyo Ganacsiga Dunida.
Sidoo kale, Labada Madaxweyne waxay majaraha u qaban doonaan sidii ay xal ugu raadin lahaayeen khilaafaadka Qoomiyadaha ama Beelaha dalalkooda oo Dab badani gudahooda kaga baxayo, haddii ay u helaan dhamaystirka fursadaha gacantooda soo galay ee dhaqaale iyo taageero Amni ba.
Inkasta oo dhinaca Somaliland Af ka xidhatay hadana waxa dhinaca Itoobiya laga helayaa xogaha la xidhiidha dhaqdhaqaaqyada Dublamaasiyadeed ee Heshiiskan jiifka iyo jooga u diiday dalalka Geeska Afrika qaarkod, kuwaas oo aad moodo dhaqdhaqaaqyadii iyo dedaaladdii ay wadeen inay shiiqeen.
Si kasta ja ahaatee Somaliland waxa ka socda tabaabulsho diyaar garow oo ay doonayso inay ku sugto Amnigeeda ka hor fooladaynta guusha Ictiraafka, halka Itoobiya ciidsmadeed kala duwani isku fidiyeen xuduudaha dalalka jaarkeeda ah marka laga reebo gudaha Soomaaliya oo ay ku xoojisay ciidamo dheeraad ah.
Qore. Maxamuud Cabdi Jaamac