Nin dambi ka galay gudaha Punland oo Nairobi laga soo qabtay

Eedeysane laga soo qabtay dalka Kenya ayaa laga dajiyay maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, sida ay BBC da u sheegeen masuuliyiinta amniga Puntland.

Qabashada ninkaan ayaa sida sheegtay Puntland waxaa gacan ka siiyay dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo iyaguna kaashanaysa Hay’adda Caalamiga ah ee Danbiyada ee Interpol.

Ninkaan ayay Puntland ku eedeysay dilka nin lagu magacaabo Axmed Cabdulaahi Maxamuud kaas oo lagu khaarijiyay magaalada Garowe sanadkii tegay, waxa uuna ka tirsanaa ciidanka Booliiska Puntland.

Booliiska Puntland ayaa BBC da u sheegay in howsha soo qabashada eedaysanaha ay qaaday muddo ka badan sannad, iyagoo xusay in ehelada eedaysannahuna door ka qaateen soo qabashadiisa.

Eedaysannaha ayaa la sheegay in meelo kala duwan uu maray intaas lagu raad joogay miyi iyo magaalaba waxaana ugu danbayn lagasoo qabtay dalka Kenya.

“Eedaynsanaha waxaanu kala wareegnay Booliiska Soomaaliya iyo Booliiska Adduunka oo wadajira” ayuu yidhi Taliyaha Qaybta Booliiska gobolka Nugaal ee Puntland Gaashaanle Sare: Maxamed Cali Marduuf oo BBC da u warramay.

Eedaysane Maxamed Cumar ayaa laga soo qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, isaga oo arrinta soo qabashadiisu ahayd mid muddo badan socotay.

“Eheladaa xogta ugu badan nala wadaagaysay, waana ku mahadsanyahiin sida hufan ee sharafta leh ee ay noola shaqeeyeen oo ay rabeen ninkaas in uu gacanta soo galo, si’aysan bulshada ku dhaqan Nugaal iyo Garoweba aysan isku dhac uga iman dhexdooda darteed,” ayuu sheegay Taliyaha Qaybta Booliiska gobolka Nugaal.

Ninkaan lagasoo qabtay Nairobi ayaa waxaa markii ugu horeysay ay booliska caalamiga ahi u gacan galiyeen dowladda Soomaaliya, waxaana laga soo dajiyay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kadibna isaga oo jeebaysan ayaa loo wareejiyay magaalada madaxda Puntland ee Garowe.

Eedaysanaha ayaa sida ay sheegeen laamaha amniga ee Puntland wuxuu mari doona sharciga, isaga oo maxkamad lasoo taagi doono.

“Waxa xigaaya [soo qabashadiisa] waxii sharciga ka qabo ayuu marayaa, say doonto ha noqotee. Annagu waxaanu leenahay in eedaysanaha aan xabsiga geyno kadibna maxkamadda,” ayuu BBC da u sheegay Taliyaha booliska Nugaal, Maxamed Cali.

In dad danbiyo ka gaystay gudaha Soomaaliya laga soo qabto dalka dibadiisa ayaa ahayn mid aan u badan. Balse waxaa horay u dhacday in booliska caalamiga ah ee Interpol ay ka caawiyaan dawladda Soomaaliya dad danbiyo ka gaystay gudaha Soomaaliya oo u baxsaday qaar ka mid ah wadmada Afrika.

Hay’adda booliska caalamiga ah ee dambiya adduunka ee Interpol ayaa magaalada Vienna ee dalka Austria lagu aasaasay sannadkii 1923-kii, waana midda ugu weyn ee hay’adda booliis caalamka oo dhan ah waxaana ka tirsan 196 wadan oo dunida ah, kuwaas oo shabakad isku xidhan ah.

Waxay dhamaantood ka wada shaqeeyaan danbiyada ka dhaca 196-daas wadan. Soomaaliya ayaana ku biirtay ururkan 9 kii October1975 kii.

Booliiska Soomaaliya ayaa, gaar ahaan laanta dambi baarista ayaa wada shaqayn iyo tababaro si joogta ah uga hela saaxiibadooda Interpol. Inta badan ayaa waxay iska kaa shaadaan dabagalka iyo soo qabashada dambiilayaasha baxsadka ah, sida ay horay u sheegeen.

Sanadkii teggay ee 2023 kii Booliiska Soomaaliya ayaa eedeysane ka soo xiray dalka Koofurta Sudan iyaga oo kaashanaya booliiska Koonfurta Sudan iyo booliiska caalmiga ah ee Interpol.

Dhanka kale Soomaaliya ayaa waxay sannado badan ahayd meel ay gabaad ka dhigtaan dambiilayaal caalami ah, oo intooda badani ay ka tirsanaayeen ururo argagixiso ah. Qaar kood ayaana gacanta lagu dhigay.

Xigasho:BBC Somali