Somaliland oo soo dhaweysay warbixin Baanka Adduunku soo saaray

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa soo dhaweeyay warbixintii dhawaan Baanka Adduunku soo saaray ee uu ku sheegay in marsada Berbera tahay ta ugu sareysa dekedaha dalalka Saxaraha ka hooseeya.

Wasiir Cali Xasan oo farriin uu ku baahiyay Twitterka ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee SOLNA, ayaa xusay inay muwaadiinta reer Somaliland sharaf weyn u tahay in dekedda Berbera ay noqotay ta ugu sareysa dekedaha wadammada saxaraha ka hooseeya ee Afrika, siday shaacisay warbixintii baanka adduunku.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay in arrinta dekeddu aanay ahayn oo qudha inay kor u qaadayso dhaqaalaha Somaliland, hase ahaatee ay kor u qaadayso sumcada dalka, isla markaana dhiirigelinayso maalgashiga caalamiga ah.

Waxa kaloo Wasiirku arrintaas ku bogaadinayay dalka iyo muwaadiniinta Somalilandba.