Tanzania iyo Ruushka oo gaadhay heshiis cusub

Tanzania ayaa la gaartay Ruushka heshiis dhinaca hawada ah oo ay Moscow si wadajir ah ugu saxiixeen Wasiir ku xigeenka gaadiidka Ruushka,Vladimir Poteshkin iyo safiirka Tanzania u fadhiya Ruushka,Fredrick Kibuta.

“Dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in si wadajir ah loo dabaqo sharciyada qaranka ee khuseeya gaadiidka xamuulka qaada, iskaashiga badqabka duulimaadka, iyo amniga duulista iyadoo la raacayo halbeegyada Hay’adda Duulista Rayidka ee Caalamiga ah (ICAO),” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay wadajir usoo saareen.

Horraantii bishaan, Wasaaradda Gaadiidka ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday in dhammaadka sannadkan ay billaabi doonaan duulimaadyo toos ah oo ay ku tagayaan afar waddan oo kala ah Tanzania, Kuwait, Indonesia iyo Saudi Arabia.