Foosiya Xaaji Aadan oo madaxda Soomaaliya uga dhaaratay inay u tanaasusho

Musharraxa Soomaaliya ee Guddoomiyaha Midowga Afrika , Xildhibaan Fowsiya Yusuf Xaaji Aadam ayaa maanta soo bandhigtay in Madaxweyne Xasan iyo madaxda dawlad-gobolleedyada inta uu Muqdisho uga socday shirka madasha wadatashiga ay ka codsadeen inay isaga harto tartanka ay ugu jirto guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika oo ah xilka ugu sarreeyo ee Afrika,markaa oo ay tilmaamtay inay la wadaageen hoggaamiyayaasha inuu la soo hadlay Madaxweyne Geello oo ka dalbaday inay Soomaaliya tartankan uga tanaasusho Jabuuti oo lix bilood kaddib xilliga ay Fowsiya bilowday ololaha shaacisay inay u tartamayaan kursigan, laakin waxay sheegtay inay markaa u sheegtay hoggaamiyayasha inay siiyaan muddo 10 cisho ah oo ay ku soo fakarto, kaddib markii ay go’aankooda ku adkeysteen si kasta oo ay isugu dayday inay u sharraxdo muhiimada uu kusigan u leeyahay Soomaaliya , fursada ay u haysto iyo inuusan mar kale imaan doonin Soomaaliya inay ka qaybgasho doorashadiisa muddo 40 sanno ah, sababo la xiriira inay si wareegto ah loogu qaybiyo musharraxnimadiisa gobollada Afrika, waxay caddeysay Fowsiyo inay u suurageli wayday 10 maalin markii ay soo dhammaatay inay la kulanto madaxda qaranka.

Fowsiya, waxay sheegtay inuu markii hore Madaxweyne Xasan ku taageerray inay kursigan oo ay sugaysay muddo siddeed sanno ah, u tartanto, lana qoray warqada ay Soomaaliya ku gudbinaysay musharraxa uga qaybgalaya doorashadan oo sannadkan loo xiray waddamada bartamaha iyo geeska Afrika . Waxay sheegtay ololaha xilligaa wixii ka dambeeyay la sameeyay inay u fududeysay helitaanka ballanqaadka codka waddamada ururka iskaashiga Islaamka ee Afrika, kuwaaso ay ku filanyihiin codkooda si ay kurigan ugu guuleysato, waxaa kalo ay xustay doorka Wasiirka Arrimaha dibadda , Axmed Macallin Fiqi oo ay sheegtay inuu dardargeliyay ololaheeda, markii uu xilka qabtay. Si kastaba, hadda waxay sheegtay inay ku adkaysanayso inay u tartanto jagadan oo aysan ka hari doonin cadaadis kasta oo ay la kulanto, taa oo ay u sababaysay inay dhalinayso natiijo cawaaqib xun oo taariikh mugdi ah haddii ay isaga harto.

Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay Villa Somalia iyo dawladda Jabuuti, oo ah dhinacyada Fowsiya ku cadaadinaya inay isaga harto tartankan.