Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo shacabka ugu hambalyeeyey munaasibadda Ciidul Fidrida

Hargeysa-10-04-2024-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba shucuubta islaamka ugu hambalyeeyey munaasibadda maalinta farxadda badan ee ciidul Fidrida.

Madaxweynaha oo munaasibadda awgeed bulshada u jeediyey hadal kooban, ayaa Eebbe uga rajeeyey inuu ka aqbalo acmaashii wanaagsanayd iyo cibaadadii ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada ugu baaqay inay ayaamaha farxadda Ciidda ka dhawrsadaan wax kasta oo dambi ka raaci karo si ayna uga burin wanaagyadii ay Ramadaanta sameeyeen, isaga oo dhallinyaradana ku adkeeyey inay maalmahan ka taxadaraan waxyaabaha nafahooda halligi kara, amnigana qaybtooda ka qaataan.