Maxay tahay sirta ay saynisyahannadu ka dhex goobayaan qorrax-madoobaadka la sheegay inuu berri dhici doono?

Qandhada qorrax-madoobaadka ayaa sii kordheysa. Malaayiin ku sugan Waqooyiga Ameerika ayaa rajeynaya inay ilaa afar daqiiqo ku qaataan mugdi iyadoo Isniinta berri ah Dayaxa la filayo inuu is hortaago iftiinka Qorraxda.

 

Dadka qaarkood, daqiiqadahaas qaaliga ah waxay u noqon doontaa fursad aysan aalaaba suurtogal ahayn in tijaabo sayniseed la sameeyo – jaanis daaha looga qaadayo siraha dhulkeenna ku duugan.

 

Baarayaasha ayaa gantaallo u diri doona marinka qorrax-madoobaadka, tegi doona goobaha xayawaannada lagu xannaaneeyo hawadana ku heyn doona kaamirooyin waaweyn.

 

Adiguna uma baahnid inaad saynisyahan ahaato si aad uga qeyb qaadato.

Balse qiyaastu khalad ayay noqon kartaa. Cillad qorraxda ka timaadda amaba daruuro ayaa qorshooyinkaas carqaladeyn kara.

Suurtogalnimada in diidiinku is boodo iyo hurdada gorillaha

Prof Adam Hartstone-Rose oo wax ka dhiga Jaamacadda Gobolka North Carolina ee Mareykanka ayaa berri waqtigiisa ku bixin doona xarun xayawaanka lagu xannaaneeyo oo ku taalla Fort Worth, Texas.

Wuxuu eegi doonaa dabeecadaha la yaabka leh ee xayawaannada laga soo bilaabo gorillaha, geriga iyo diidiinka.

Sanadkii 2017 qorrax-madoobaadkii dhacay, diidiinka ayaa durba bilaabay inay isu tagaan.

Xayawaanno badan ayaa u muuqda inay falcelin dareen leh ka bixiyaan mugdiga kediska ah.

“Gorayadu markii ugu dambeysay wax qurux badan ayay sameeyeen,” ayuu yiri. “Iyadoo qorrax-madoobaadku soo bilaabanayo, kuwa waaweyn ayaa dhexda isugu keenay kuwa yaryar, cirka ayayna eegayeen sida inay ka walaacsan yihiin in madax-kuti uu cirka kasoo dhacayo.”

Gorillaha ayaa tegay halkii ay seexan lahaayeen waxayna bilaabeen caadadooda xilliga sariirta.

Sidoo kale xayawaanno is qarin jiray marka ay qorraxdu soo jeeddo ayaa godadkoodii kasoo baxay, iyagoo degdeg dib u laabtay markay qorraxdu soo baxday.

Qof walba ayaa qeyb ka noqon kara daraasadda. Haddii aad aragto xayawaannada rabbaayadda ah, kuwa beeraha amaba duurjoogta oo si aan caadi ahayn u dhaqmaya inta qorrax-madoobaadku socdo, waxaad wargelin kartaa kooxda Mark.

Kooxda ayaa degdeg jawaabahooda u daabici doona maalmaha ku xiga qorrax-madoobaadka.

In loo kuurgalo oogada qorraxda

Marka mugdi uu ka dhaco qeybo ka mid ah Waqooyiga Ameerika, qeyb ka mid ah Qorraxda ayaa soo baxaysa taasoo ay dadku qarniyo isku dayayeen inay daraaseeyaan – waa oogadeeda

Qeybtan yaabka leh ee Qorraxda waxay ka sameysan tahay aalad wax soo jiidata waxaana cabbirkeedu yahay malaayiin digrii Celsius.

 

Caadiyan iftiinka aan caadiga ahayn ee Qorraxda ayaa oogada ka dhiga mid aysan suurtogal ahayn in la arko, balse berri saynisyahanna ku sugan Dallas, Texas, ayaa awoodi doona inay ku jeediyaan qalab ayna sawirro ka qaadaan.

Saynisyahannada Jaamacadda Aberystwyth ee Wales iyo Nasa ayaa rajeynaya inay u kuurgalaan dabeylaha sorraxda.

Su’aal kale ayaa ah sababta cirif ka mid ah qorraxda uu uga kulul yahay oogada qorraxda, inkastoo uu gees ku yaallo.

Waxaa laga yaabaa inay xitaa arkaan daruuro daruuro laga soo tuuray oogada Qorraxda oo hawada loo ganay.

Arrntan ayaa saameyn ku yeelan kartana dhibaatada u geysan karta dayac-gacmeedyada aan Dhulka ku isticmaalno.

Lacag aad u badan, waqti iyo qalab ayaa lagu bixiyay afartaas daqiiqo ee qorrax-madoobaadka, sida uu sheegayo Huw Morgan, oo maaddada Fiisigiska ka dhiga Jaamacadda Aberystwyth.

“Waa dareen dhab ah oo xiiso leh marka ay siday tahay u dhacdo, sababtoo ah muddo aad u dheer baaf u diyaar-garowday. Balse haddii ay daruuro jiraan, taasi waa musiibo. Mana jirto wax aan ka qaban karo taas.” Ayuu yiri.