Ingiriiska oo caddeeyey muhiimmada ay Somaliland u leedahay reer Galbeedka

Dowladda Ingiriiska ayaa daboolka ka qaadday muhiimadda Somaliland u leedahay dalkeeda iyo waddamada kale ee reer Galbeedka marka loo eego bogcadda ay Juquraafi ahaan ku taallo.

Xildhibaan Tim Loughton oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay inay waddamada reer Galbeedku ay mowqif ahaan ka midaysan yihiin taageerada dowladnimada iyo qadiyadda madax-banaanida ee Somaliland isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka difaacaan damaca quwadaha ku loolamaya dunida oo dalka Shiinuhu ugu horreeyo.

Md Tim Loughton ayaa sidan ka sheegay kulan shalay dhexmaray Shir-guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland iyo wefti ka socda baarlamaanka iyo Saxaafadda dalka Ingiriiska oo booqasho ku yimi Somaliland.

Xildhibaanka oo ka mid ah mudaneyaasha Baarlamaanka UK ee u ololeeya Qadiyadda Aqoonsiga Somaliland, waxa uu ugu horeyn ka hadlay ujeeddada socdaalkooda, waxaanu yidhi, “Farxad-bay noo tahay inaanu Somaliland ku sugan nahay, si aanu u muujino sida aanu u taageersanahay kiiska Shacabka Somaliland, iyadoo xasilloonideedu astaan u tahay dhulka nabdoon.

Waxaanu halkan u nimid inaanu muujino in dhamaan Xildhibaannada kala Baarlamaanka UK taageersan yihiin Somaliland iyo inaanu wax badan oo muhiim ah ka ogaano heshiiska Is-afgarad ee ay la saxeexatay Itoobiya, si aanu u helno jid ama hab aanu culays ugu saarni karno Wasiirrada iyo Xubnaha kale ee Baarlamaanka UK inay taageeraan heshiiska isfaham iyo in Somaliland hesho aqoonsi rasmiya, kaasi oo aad muhiim ugu ah gobolkan.”

Waxa kale oo uu intaas ku daray, “Markaa, Annaga socdaalkani aad buu  muhiim noogu yahay. Waxaanuna la kulanay Madaxweynaha, waxaanuna maalmaha soo socda aanu samayn doonaa kulamo kale oo muhiim ah, si aanu markaa Adduunka ugu faafino in Somaliland gaadhay oo ay kasbatay derajadii aqoonsiga,” sidaas ayuu yidi Md Tim Loughton.

Xildhibaan Tim Loughton wuxuu xusay muhiimadda Somaliland u leedahay saaxiibbada dalalka reer Galbeedka, waxaanu yidhi, “Somaliland, aad bay muhiim ugu tahay UK iyo Dawladaha kale ee reer galbeedka, maxaa yeelay goobta ay ku taallo juquraafi ahaan. Waxaan filaynaa inay dhiirigelin leedahay in Dawladahaasi barbar taagan yihiin, marka la eego khataraha kaga iman kara Shiinaha oo kale, waayo? Waxa jira waxyaabo ay wadaagaan UK iyo waddamada kale ee galbeedka oo khuseeya dimuqraadiyadda Somaliland.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, wuxuu intaas ku daray, “In Somaliland noqoto dal Madax-banaan oo la aqoonsan yahayna gobolka oo dhan ayay muhiim u tahay, Mudaneyaasha Baarlamaanka iyo xubnaha kale ee ololaha aqoonsiga Somaliland, waxay arrintan ku faafin doonaan Caalamka,” sidaas ayuu yidhi Md Tim Loughton.