“Siyaasiyiinta Soomaaliya waxa ay noqdeen Haiti-da Afrika” Faysal C. Waraabe

Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dalka aan iskii isku maamuli karin ee Soomaaliya ay leedahay dhaqanka siyaasadda dalka Haiti.

Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta X (Twitter) kaasi oo u qornaa sidan:-

“Madaxdii dawladda magac u yaalka Ee Somalia( artificial state of Somalia) waxay galeen xalaad Jahawarer ah.

Waxa ay ku socotaa in ay noqoto Somalia Haytidii Afrika. Aad ayey isku dhaqan dhaw yihiin siyaasinta dalka Haiti.”