Wasiirka Jidadka oo loo sameeyey kulan soo dhaweyn ah

Kulan Afur Wadareed ah oo lagu soo dhawaynayay Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Raabi Cabdi Maxamed ayaa ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka ee Caasimadda Hargeysa.

Kulankan ayaa waxa kasoo qaybagalay Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Eng Mawliid Nuux Ibraahim, Maareeye Kuxigeenka Wakaaladda Mudane Khadar Cali Caarshe, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Gudoomiyaha Guddida Berbera Corridor, Agaasimayaasha Waaxaha Wakaaladda iyo shaqaalaha waynaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka.

Mas’uuliyiintii halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay soo dhaweeyaan Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka isla markaana ay ula diyaar yihiin inay si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Waxaa kale oo Wasiirka iyo madaxda Wakaaladda Horumarinta Wadooyinku iska xogwaraysteen mashaariicaha dhismayaasha waddooyinka ee dalka ka socda.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Raabi Cabdi Maxamed oo gabo gabadii halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyey guud ahaan shaqaale weynaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka, waxaanu kula dardaarmay inay sii libin laabaan hawlaha shaqo ee ay wasaaradda iyo qarankaba u hayaan.