Koongarayska Maraykanka oo u tafo-xaytay kor u qaadida xidhiidhka Somaliland

Xildhibaanno ka tirsan golaha Koongareyska Mareykanka, oo uu hormuud u yahay xildhibaan Micheal McCaul oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, sidoo kalena madax ka ah guddida arrimaha dibedda ee golahaasi ayaa waraaq u qoray xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka Antony Blinken, taasoo ay kaga dalbanayaan in kor loo qaado isla markaana la xoojiyo xidhiidhaka Somaliland.

Xildhibaannadan ayaa ku boorriyay maamulka madaxweyne Biden, inuu mudnaanta siiyo xidhiidh qotada-dheer oo Somaliland lagala yeesho danaha ay labada dhinac wadaagaan sida diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo ammaanka.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in goobta istraatijiyadeed ee ay Somaliland kaga taallo Gacanka Cadmeed, sida ay addduunyada ugala shaqayso la dagaallanka argagixisada, budhcad badeedda iyo khataraha kale ee amni ee gobolka iyo waliba xidhiidhka ay la leedahay Tawian ay u damaanad qaadayaan Maraykanka inuu raadiyo fursado kale oo uu kula shuraakoobi karo Somaliland.

Waraaqdan ay xildhibaannadu u direen xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykankana ayaa ku tilmaameen in dhacdooyinkii u danbeeyay ee ka dhacay geeska Afrika sida xaaladda Suudaan iyo is qabqabsiga siyaasadeed ee Somalia oo iyaduna soo xoojisay dhaqdhaqaaqyadaii Al-shabaab ay Maraykanka ku qasbayso inuu dib uga fikiro Istaraatijiyadda uu kula dhaqmo geeska Afrika si uu wax uga qabto caqabaha baaxadda leh iyo khataraha ku waajahan danaha Maraykanka ee gobolka.

Geesta kale waxa ay qoraalkooda ku sheegeen in Somaliland ay si madax bannnaan u shaqaynaysay 30-kii sano ee u danbeeyay, isla markaana si madax bannaan u maamulaysay amnigeeda, hannaankeeda dhaqaale iyo xidhiidhadeeda ganacsi.

Dalal badan oo gobolka ka tirsan, oo ay ku jiraan Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa xidhiidhi diblomaasiyadeed iyo mid ganacsi la leh Somaliland.

Dalal badan ayaa sannadkii hore kor u qaaday xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland sida Itoobiya oo wakiilkeedii Somaliland kor u qaadday darajada Safiir halka Kenyana ay xafiis diblomaasiyadeed ka furatay sannadkii hore.