Somaliland oo dib u eegis ku samaynaysa Xeerka Shidaalka

Wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland, ayaa lagu daahfuray dib u habaynta iyo turjumaada xeernidaamiyaha baadhista iyo soo saarka shidaalka, kaas oo socon doona mueeo lix bilooda ah.

Kana kooban shan xeernidaamiye oo kala ah.

1. National Content Upstream Petroleum Regulations

2. Data Resource Management Regulations

3. HSE Upstream Petroleum Regulations

4. Upstream Petroleum Measurements Regulations

5. General Upstream Petroleum Regulations

ka soo qaybgalayasha kulanku waxa ay kala ahayeen,

Kulanka waxa furay agaasimaha guud ee wasaaradda Shidaalka isaga oo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay dib u habaynta iyo turjumaada xeernidamiyayaashan, taasi oo ka qayb qaadanaysa so jiidashada maal gashiga dhinca khayraad dabiiciga sidaa baadhista iyo soo saarka shidaalka, sidoo kale la xisaabtanka shirkadaaha heshiisyada dawlada kula jira.

Sido kale waxaa talooyin so jeediyay labada khabiir Eng Saciid Dhamac iyo Eng Maxamud Jabali kuna dheeraday sida ay u muhiimsantahay in la dhiso shuruucdaa iyo xeerarka shidaalka dalka.

Ugu danbaynti waxaa kulanka soo xidhay Wasiir ku xigeenka wasaaradda Siciid Axmed Jibriil isaga oo si qoto dheer uga hadlay muhiimada ay uu leedahay dalka in xeerarka iyo shuruucdaba dhamaystirnadaan, sidoo kale ay si fudud maalgashiga shisheeye ay ugu soo hiran karaan dalkeena, gunti iy gunaandkina waxaa uu ku booray injineerada iyo khubarada mudada 6 bilood ku diyaarin doonta xeernidaamiyayaashan inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii hawshaasi uu guulaysan lahayd.