Iskaashiga Caafimaadka ee Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Liibaan Yuusuf Cismaan oo ay weheliyaan: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye iyo Madaxa Nafaqada Wasaaradda, Marwo, Farduus Cismaan oo safar shaqo ku jooga dalka aynnu jaarka nahay ee itoobiya ayaa Shir balaadhan la qaatay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka dalka Itoobiya, Dr. Ayele Teshome.
Shirkan oo ka qabsoomay Wasaaradda Caafimaadka dalka Itoobiya, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Safiir-ku xigeenka, ahna ku-simaha, Danjiraha, Safaaradda dalkeennu ku leeyahay Waddanka Itoobiya, H.E,Barkhad M.Kaariye.
Shirkan ayaa ahaa mid lagaga wada-hadlayay qodobo muhiim ah – oo ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa, loona sii horumarin lahaa wada-shaqaynta dhaw ee ka dhaxaysa labada wasaaradood ee kala ah Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL iyo dhiggeeda Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Itoobiya.
Labadaas wasaaradood oo mid kastaaba dhankeeda ugu xilsaaran tahay, horumarinta caafimaad ee bulshadeeda iyo dalkeeda. Shirkan ayaa si taas la mid ah waxa lagaga wada-xaajooday sidii looga wada shaqayn lahaa Xaaladaha Caafimaad ee degdegga ah iyo barnaamijka Nafaqada.
Waftiga, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, ayaa muddada ay safarka ku joogaan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, sii wadi doona kulamada ay la yeelan doonaan Masuuliyiinta Caafimaadka iyo Madaxda Sarsare ee dalka Itoobiya, iyaga oo kulamadaas ay u wehelin doonaan booqashooyin qorshaysan oo ay ku tegi doonaan goobo kala duwan oo la xidhiidha horumarinta caafimaad.