Somaliland: goorta la aasayo Maydka Duuliye Cabdinasir Dahable

Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha JSL mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in meydka Cabdinaasir Muuse Dahable beri Tobanka Subaxnimo lagu aasi doono magaalada Gebilay.

Mudane Maxamed Kaahin Axmed waxa uu intaa ku daray in siddeeda aroornimo laga qaadi doono Hargeysa, halkaasi oo loogu samayn doono aas qaran oo ay ka qaybgeli doonaan wasiiro iyo madax kale oo ka tirsan qaranka Somaliland.

Marxuumka ayaa Maydkiisa maanta la keenay  Magaalada Hargeysa, kaddib markii laga soo qaaday Magaalada Muqdisho ee dhawaan lagu dilay. Marxuumka ayaa geeridiisa loo aanaynayaa inay ka dambeysay dawladda Soomaaliya.