Baraha Bulshada Ma Igula Aragtay Arrimahan?

Faallo: Xuseen Cali Nuur

Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho (social media) waxay ka mid noqdeen baahiya bulshada aasaasiga ah ee aan laga maarmin, waxayna saameyn weyn ku yeesheen arrimaha Dhaqanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada.

Baraha Bulshadu waxay leeyihiin waxtar iyo waxyeellaba. Waa hub halis ah oo dhammaan arrimahan waxyeello u geysan kara, haddii aan si taaddar leh loo isticmaalin, looguna dhaqmin.

Teknolojiyadda casriga ihi waxay dunida ka dhigtay tuulo; has ahaatee Baraha Bulshadu way sii koobeen oo waxay ka dhigeen mid heer qoys ama qof gaadha. Baraha Bulshadu in kasta oo faa’idooyin badan leeyihiin, waxa haatan ka muuqata Baro Madow oo aan la iska indha tiri Karin. Barahaas oo aan cidna ka qarsoonayni, waxay ka dhigteen qoyska isticmaala mid is beddel ku dhaco.

Waxay kala furfureen qoyskii isku xidhnaa ee mideysnaa, sheekeysan jiray, wada tashan jiray, mid aan xidhiidh lahayn. Haddii wuu leeyhayna waa mid kooban. Mid qof kasta mshquulsan yahay. Carruurta qudhooda qaabka soo koritaakooda wax bay ka beddeshay.

Baraha Bulshadu waxa xidhiidhkii qofku la lahaa bulshada ku beddelay saaxiibbo HAWADA ku jiro, oo aan aqoon shakhsi ah la lahayn, isku dhaqan aanay ahayn; suuragalna tahay iney kar-kaarka weydaariyaan.

Baraha Bulshaha qaabka aan xilligan loogu dhaqmo waa waqti lumis, dhaawac weyn u geysan kara dhaqanka suubban, waxbarashada, shaqada iyo caafimaadka.

Waxa lagu baahiyaa waxyaaba badan oo lagaga dayanayo dad aan Muslim ahayn; loona haysto inay ilbaxnimo iyo horumar tahay.

Dhaqannadaana waxa tusaale ahaan noogu filan sawirrada iyo luuqadda la isticmaalayo, qaabka dharka loo gashado, jeega xiirka iyo socodka –oy ka mid yihiin carruurta da’da yar, ee aan 10 jir gaadhin.

Baraha bulshada xayeysiisyada lagu baahiyo waxa ka mid ah wax kasta oo xaaran ah, sida cawradaha haweenka, xayeysiiska khamriga iyo maandooriyayaasha- oo qaar ka mid ah dalal badani fasaxeen; in kasta oo ay leeyihiin waan xaddideynaa.

Baraha Bulshadu waxay qofka ka mashquuliyeen cibaadada,waxbarashada, xannaanada ubadka iyo daryeelkooda. Waxa uu dad badan ku abuuray dhaqammo ka baxsan dhaqankii la nagu yiqiin oo ah xishood, dhowrsanaan, xurmo iyo runta.

Qaab adeegsigeenna Baruhu, wuxuu dalka ku celin gaadhay marxalad lagu soo gabe-gabeeyey Shirweynihii Saddexaad ee Beelaha Somaliland ee 1997, oo ah in aan lagu dhaqmin qabyaalad.

Waxa maanta nala gudboon inaan lagu homin oo aan lagu dhaqmin, dhaqammada diinteennu naga xaaraantimaysay iyo kuwa waxyeello u geysan kara wadajirkeenna iyo wada shaqeynteenna iyo xornimadeenna.

{Yaan la lumin himiladeenna iyo hiigsigeenna iyo difaaca xorriyadda aan wax kasta u so hurnay.

DIINTA ISLAAMKU WAXAY KU FIDDAY UMMADA AHAANSHO IYO DASTUURKII NEBI Muxamad (NNKHA) NOO DEJIYAY. Kumay fidin qabyaalad iyo kala qoqobnaan. ALLAHAYOOW QALBIGEENNA KU XOOJI UMMADNIMO. Aamiin }