Shirka Maamul-daadejinta oo ka furmay Boorama

Waxa magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ka furmay shirka mashruuca maamul daadejinta dowladdaha hoose ee dalka ee JPLG, kaas oo ay ka soo qayb galeen maayirrada magaalooyinka Berbera, Hargeysa, Gabiley iyo Borama.

Sidoo kale waxa kulan ka qaybgalay Garyaqaanka guud ee Qaranka Somaliland iyo agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha arrimaha gudaha ,maaliyada, biyaha, caafimaadka, iyo qorshaynta qaranka iyo marti sharaf kale iyo guddoomiyaha gobolka Awdal, waana kulankii 23-aad ee ay yeeshaan masuuliyiinta maamul daadejinta JPLG, ee waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha iyo madaxa maamul daadejinta Eng Jiciir.

Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta Qaranka Somaliland, ayaa sheegay in mashruucani uu taabo geliyay saddex qodob oo mihiim ah, isla markaana wax weyn ka taray horumarka bulshada soona kordhiyay faa’idooyin badan oo baahi weyn loo qaybay.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaraadda arrimaha gudaha, ayaa sheegey in wasaaraddoodu safka hore kaga jirto maamul daadejinta adeegyada kala duwan ee bulshada loo qabto, waxaanu xusay in wax badani u qabsoomay dhinaca maamul daadejinta ee dowladdaha hoose ee dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka ayaa sheegay in dowlahada hoose ay kaga nasteen maamulida xarumha hooyada iyo dhallaanka.

 

Duqa degmada Borama Maxamed Axmed Warsame ayaa soo dhaweeyay furitaanka kulanka 23-aad ee mashruuca maamul daadejinta dowladdaha hoose ee dalka, waxaanu sheegay in laga fuliyay adeegyo mihiim u ah nolosha bulshada.

 

Gaba’gabadii guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro ayaa sheegay in cashuurta ay bixiyaan dadweynuhu in dib loogu celiyo wax ka qabashada adeegyada bulshada, waxaa uu tilmaamay in ay jiraan qaar ka mida dowladdaha hoose oo aan awoodin in ay wax ka qabtaan maamul daadejinta adeegyada bulshada iyada oo aanay dhaqaaluhu u saamaxayn, waxaanu soo jeediyay in lagarab istaago kuwa awoodooda dhaqaale hoosayso.