Guddoomiyaha Guurtida oo canaan u jeediyey Mudaneyaasha

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa cannaan kala dul dhacay xildhibaano saaka, kadib markii uu hore u buuxsami waayay kooramka golahaasi, goluhuna hore u furmi wayay.

Sida caadiga ah furitaanka goluhu waxa uu ku furma 42 xildhibaan oo ka mida 82ka xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.

Markii muddo hal saac ah la sugayay in uu buuxsamo kooramka golahaasi ee xildhibaanadu soo wada dhammaadeen, guddoomiyuhuna furay, waxa uu xoghayaha golahaasi ku amray xildhibaanada ka soo habsama furitaanka golahaasi, in la xaadiriyo oo warbaahinta iyo bulshada lala wadaago, isla markaana la ganaaxo.

Geesta kale waxa uu goluhu dood adag ka yeeshay, Siyaasada arrimaha dibedda, xog-ogaal u noqoshada nuxurka iyo xogta uu xanbaarsan yahay Ergayga Soomaaliya u magacowday wada hadalada Somaliland iyo Somaliland, la socodka isbeddelada siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo caalamka, dardargelinta siyaasada arrimaha dibedda ee Somaliland.

Dood dheer kadib xildhibaanadu waxa ay dalbadeen in loo yeedho Dr. Adna Aadan Ismaaciil, ergayga Somaliland u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya si wax looga waydiiyo arrimaha wada haddalada.

Sidoo kale xildhibaanadu waxa ay sheegeen in siweyn guud ahaan dalalka caalamka looga dabaaldegay xuska maalinta Qaran ee 18 ka may.