Booliska oo beeniyey war laga faafiyey

Ciidanka booliska JSL, ayaa beeniyay wararka baraha bulshada lagu baahiyay ee sheegay in in Ciidanku wariye Bushaaro Baande jidh dil ugaystay.

Sidoo kale ciidanku waxa ay sheegeen eedaysane Bushaaro Baandde markii la soo qabtayba in maxkamad la horgeeyay.

Ciidanku waxa uu bulshada ka codsaday in ay ka waantoobaan wararka bulshada lagu jahawareerinayo.

Gaba’gabadii waxa uu ku goodiyay ciidanku in ciddii ka waantoobi weyda faafinta wararka been abuuurka ah ay talaabo adag ka qaadi doonaan.

Waxaana sidan lagu sheegay war ka soo baxay taliska ciidanka booliska Somaliland, waxaanu ushignaa sidan.

“Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland , waxa uu halkan ka beeninayaa wararka waxba kama jiraana oo Saacaddihii u dambeeyay baraha bulshada lagu baahiyay , taasi Ciidanka Booliska JSL lagu sheegay ina jidh dil u gaysteen eedaysane Bushaare Baanday.

Ciidanka Boolisku markuu eedaysanahan soo qabtay Markiiba waxuu degdeg u horgeeyay Maxkamadda , waxaanay gar-suge ku tahay Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargaysa.

Taliska Ciidanku waxuu shacabweynaha JSL la wadaagayaa ina Maxbuusada cidii u baahataa booqan karto , Mana jirto wax dhibaato ah oo loo gaystay.

Haddaba Waxaannu cadaynaynaa ina warkaasi waxba ka jirin, tahayna dacaayado lagu dilaayo sumcada Ciidanka sharafta leh ee habeen iyo Maalin u adeegaaya shacabweynaha JSL .

Ug dambeyn Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu u soo jeedinayaa Cid kasta oo warar been abuur ah bulshada ku jaah wareerisaa in ay ka waantoobaan.

Waxaanan sidoo kale la soconaa shakhsiyaadka ku hawlan khalkhal gelinta iyo wararka been abuurka ah taas oo haddii ay ka waantoobi waayaan laga qaadi doono talaabo Adag Oo sharciya.”