Somaliland: Goboladda Dalka Oo Si Weyn Looga Xusay 18-ka May

Waxaa maanta guud ahaanba goboladda, iyo degmooyinka JSL si weyn looga xusay dabaal-degga xuska maalinta qaranimadda Somaliland ee 18-ka May.

Taasoo noqonaysa xuskii 32-aad, ayaa ku beegan markii ay jamhuuriyaada Somaliland xornimadeedda dib uga la soo noqotay Soomaaliya.

Waxaana si weyn looga dabaal-degay magaallooyinka Burco, Ceerigaabo, Boorama, Berbera, Gabiley, Oodweyne, Selel, Sarraar, iyo sidoo kale degmooyinka dalka.

Iyadoo na ay dadweynaha kala qayb qaateen wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, guddoomiyeyaasha goboladda, maayarradda, siyaasiyiin, iyo masuuliyiin kale.

TOGDHEER: Magaaladda Burco, waxaa dadweynaha dabaal-dega kala qayb qaatay wasiirro ka tirsan xukuumadda, oo uu ka mid ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Wasiirka wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, agaasimeyaal guud, iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiyadda mucaaradka ah, iyo masuuliyiin kale.

Waxaana xusid mudan in xuskii maanta ee magaaladda Burco, ay ka qayb galeen hogaanka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), Xirsi Cali Xaaji Xasan, iyo xubno kale.

BOORAMA: Sidoo kale xuskii 18-ka May, ee maanta waxaa dadweynaha magaaladda Boorama kala qayb qaatay wasiirro ay ka mid ahaayeen wasiirka wasaaradda Ganacsiga, iyo Wershadaha, Maxamed Xasan Sacad (saajin), wasiirka Qorshaynta Dr. Buuxane, wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta JSL Siciid Xasan Habane.

Sidoo kale waxaa dadweynaha Boorama, dabaal-dega kala qayb galay maamulka gobolka Awdal, ka degmadda Boorama, xildhibaano ka tirsan goleyaasha baarlamaanka, siyaasiyiin, aqoon yahano, iyo masuuliyiin kale.

CEERIGAABO: Sidoo kale magaaladda Ceerigaabo, ee xarunta gobolka Sanaag ayaa iyad na maanta si weyn looga xusay maalinta qaranimadda JSL ee 18-ka May.

Waxaana isugu soo baxay fagaaraha beerta Xoriyadda Ceerigaabo, kumanaan dadweyne ah, kuwaasoo khudbado u jeediyeen wasiirradii, iyo masuuliyiintii kale ee la damaashaadayay.

GABILEY: Geesta kale magaaladda Gabiley, iyo degmooyinka hoos yimaadda ayaa maanta si weyn looga xusay munaasibadda qaran ee 18-ka May.

Iyadoo na boqolaal dadweyne ah iskugu soo baxeen fagaaraha Khayriyadda magaaladda Gabiley, waxaana dadweynahaasi khudbado u jeediyay wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta, iyo Tignoolajiyadda Somaliland.

Meelaha kale ee sida weyn looga xusay 18-ka May, waxaa ka mid ahaa magaaladda Caynaba, ee xarunta gobolka Sarraar, magaaladda Saylac, ee xarunta gobolka Selel, iyo degmooyin kale.