Madaxweyne Biixi: Dagaalku joogsan maayo inta..”

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aanu joogsan doonin dagaalka ay Somaliland kula jirto cadow ku soo duulay gobolka Sool, ilaa inta taako ka mid dhulka Somaliland cadowgu ku jiro.

Madaxweyne Biixi, oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasibadda dabaal-degga 18-ka May ee 32-guuradda la soo noqoshadda qaranimadda Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu ka sheekeeyay taariikhda ay jamhuuriyadda Somaliland u soo martay helitaanka xornimadeedda laga soo bibaalo xiligii gumaysiga, midawgii Soomaalida Talyaanigu gumaysan jiray, iyo halgankii loo soo maray la soo noqoshadda xarnimadda Somaliland.

Taasoo ay ka dhalatay maalintan loo dabaal degayo maanta ee 18-ka May, kadib dagaal hubaysan oo qaatay muddo toban sanadood ku dhaw ku siman.

Muuse Biixi Cabdi, oo khudbadiisa dhinacyo badan kaga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa waxyaabihii uu ku soo qaatay xaaladda cilaadeed ee ka taagan gobolka Sool, iyo cida ka danbaysa dagaalkaasi, oo fariin digniin ah u diray.