Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in aanay beesha Caalamku soo faragalin karin doorashooyinka

Hargeysa -(GNA) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aanay Somaliland deeqaha caalamiga ah ku badalanayn in ay taladeeda shisheeye u gacan galiso.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasibada xuska 18 May, ayaa sheegay in la galayo wakhti doorasho, isla markaana aanay beesha caalamku shaqo kulahayn talada doorashooyinka Somaliland.

Waxaanu yidhi.”Waxaynu u diyaar garoobaynaa doorashooyin, cadowgu noogu talin maayo doorashadayada, beesha caalamku doorashadayada soo faragalin mayso, kama taliso, sharcigayaga ma faragaliso ninka u qishayaana waa nacas ee dalkiisa aamini waaya”.

Waxa uu sheegay in dhaqaalaha lagu galayo doorashooyinku uu Somaliland u yaalo, isla markaana ay isku filanyihiin, lakiin aanu aqbalayn in cid kale ka taliso doorashooyinka.

Waxaanu yidhi.”Dhaqaalaha doorashadu Somaliland ayuu u yaalaa, waan ku taageerayaaye taladaada ii dhiib ma yeelayno, yeelinamayno, dhaqaalahana inaga isku filan”.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in Somaliland uu hogaanku isku badalayay hab qori isku dhiiba isla markaana, uu isaguna nidaam sharci ah ku tagi doono.