Cabdilaahi Darawal: Somaliland way jiraysaa”

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Cabdillaahi Darawal) ayaa sheegay in Somaliland marayso meel aanay dib uga noqon karin, isla markaana ay Jamhuuriyadda Somaliland ku guulaysan doonto himiladeeda.

Cabdillaahi Xuseen Iimaan Darawal oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ku hambalyeeyay xuska munaasiabada maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May, waxaaana uu tilmaamay in ay ku timid halgan shacab.

Cabdillaahi Darawal oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo ka Urur Siyaasadeedka Horseed iyo ka taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Horseed, waxa aan ugu hambalyaynayaa shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan Maalinta 18 May ee qiimaha badan. wixii ay ku timid 18 May Ninba wax buu ka ogaa sidii ay ku timid. waxaana ay ku timid halgan iyo hawl. Jamhuuriyadda Somaliland-na way guulaysanaysaa wakhti kasta ha inagu qaadato. calankaa tawxiidka leh wuu guulaysanayaa hubaal weeye. Somaliland-na waxan ay taaganahay meel aynaan dib uga noqon”.

Sidoo kale Cabdillaahi Darawal ayaa waxa uu tilmaamay in aan looga baqan reer Boorama Somaliland. Waxaana uu yidhi “Ma qabo in wax wayni ka jiraan Boorama iyaga ayaa samaystay Somaliland, reer Boorama uga biqimaayo Somaliland dib u heshiisiintii cid ka soo qabatay way yartahay doorkii ay ku la haayeen reer Boorama, arinta Ceerigaabo na may ahayn mid weyn”.