Guddida nabad-gelyada Sanaag oo ka hadlay amniga

Gudida nabadgelyadda gobolka Sanaag ayaa Sheegay in aanay jirin wax abnidarro ah oo ka jirta magaalada Ceerigaabo.

 

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in magaalada Ceerigaabo ay nabad tahay, isla markaana aanay jirin wax amniga looga baqo oo ka jiraa, waxaanu intaa ku daray in wixii xalay dhacay aanay ahayn wax magaalada iyo bulshadeeda ka dhex dhacay, balse ay ahayd fidno meel kale laga soo abaabulay imikana ay dhamaatay.

 

Maayirka magaaada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa sheegay in maydkii marxuunkii geeriyooday la aasay magaaladuna ay nabdoontahay, waxaanu bulshada reer Ceerigaabo ka codsaday inay nabadgelyada ilaashadaan iyo wada jirka.

 

Taliyeyasaha booliska iyo milateriga ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in hadda nabadgelyada gobollka Sanaag fiican tahay, kadib rabshado ka dhashay marxuun habeen hore ku geeriyooday rabshado ka dhacay gudaha magaalada Ceerigaabo, waxaaney bulshada ka codsadeen inay abniga kala shaqeeyaan ciidamada, isla markaana gacan ka siiyaan laamaha ammaanka adkaynta nabadgelyadda.