Qof hubaysan oo toogasho ku dilay 8 qof

Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay siddeed qof oo ka dukaameysanayey suuq ganacsi oo ku yaalla waqooyiga magaalada Dallas ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka, sida ay sheegeen ciidamada gurmadka.

Boqolaal qof ayaa laga daad-gureeyay suuqa weyn ee magaalada Allen. Sida ay dad goob-joogayaal ahi sheegeena nin ayaa si aan kala sooc lahayn u rasaaseeyay dad wadada marayey.

Booliiska ayaa sheegay in ay toogteen ninkii hubaysnaa, isla-markaasna ay rumeysan yihiin in uu kaligii falka geystay.

Qaar ka mid ah dhibanayaasha ayaa lagu soo waramayaa in ay caruur yihiin. Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu daweynayaa Cisbitaalka, kuwaas oo saddex ka mid ah dhaawacoodu halis yahay.

Madaxa dab damiska Allen Jonathan Boyd ayaa sheegay in toddobo qof – oo uu ku jiro ninkii hubaysnaa ay ku dhinteen isla goobta, halka labo qof oo kalena ay ku geeriyoodeen cisbitaalka.

Dhibanayaasha ayaa da’dooda lagu sheegay in ay u dhaxayso 5 ilaa 51 jir sida uu sheegay afhayeen u hadlay cisbitaalka dadkan la geeyey.

Guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa toogashada ku tilmaamay musiibo aan la qiyaasi karin, wuxa uu sheegay in gobolku uu diyaar u yahay in uu wax kasta oo gargaar ah u fidiyo maamulka deegaanka.

Dalka Mareykanka sanadkan waxaa ka dhacay ugu yaraan 198 toogasho wadareed oo sababay dhimasho iyo dhaawacba.