Caleemo-saarka Boqor Charles oo ka bilowday London

Dalka Ingiriiska waxaa Sabtida maanta ah ka socota munaasabadda lagu boqrayo Boqorka Charles III (Charles-ka saddexaad) iyo xaaskiisa, Queen Consort Camilla, waa caleemasaarkii boqortooyo ee u horreeyey ee lagu qabto Britain muddo 70 sano ah.

Boqorad Elizabeth II, oo sanadkii hore geeriyootay ayaa ahayd boqoraddii u danbeysay ee taajka boqortooyo loo caleemo saaro.

Charles oo 74 jir ah ayaa boqor noqday ka dib dhimashadii hooyadiis Queen Elizabeth II ee bishii September.

Boqor Charles III iyo xaaskiisa, Queen Camilla, ayaa ka baxay Buckingham Palace iyagoo aaday halka lagu qabanayo xafladda caleemo saarka oo ah dhaqan 1,000 (kun) sano soo jiray, iyadoo calmeesaarkan lagu kordhiyay qaybo cusub si uu ila jaanqaado Britain-ta qarnigan 21-aad.

Xafladda boqridda Charles ayaa ka dhaceysa Westminster Abbey, halkaasi oo ahayd goobtii lagu caleema saarayay dhammaan boqorradii Ingiriiska tan iyo 1066-kii.

Xafladda ka dhacaysa Westminster Abbey ayaa kulmineysa caadooyinka soo jireenka ah ee caana-shubka iyo hal-abuurro cusub.

Lamaanaha ayaa inta ay u sii socdaan waxa ay salaami doonaan dad badan oo u sii taagan waddooyinka si ay boqorka cusub u salaamaan.

Laakin waxaa laga yaabaa in dhammaan dadkaasi badan aysan ku faraxsaneyn lammaanaha, waxaa jira saluug sii kordhaya, gaar ahaan muwaadiniinta da’da yar ee Britain, oo qaba in laga gudbay xilligii boqortooyadu ay ahayd mid loo baahan yahay.

 

Intii aysanba Boqor Charles iyo Boqorad Camilla ka tagin Buckingham Palace ayay booliisku xidheen toboneeyo bannaanbaxayaal ah.

 

Dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeda Boqortooyada ee lagu magacaabo Republic oo u ololeeya in madaxa dalkaasi la doorto ayaa xaqiijiyay in lix ka mid ah qabanqaabiyaasheeda la xiray, halka kooxda cimilada u ololeysa, Just Stop Oil, ay sheegtay in 19 ka mid ah la qabtay.

 

Human Rights Watch iyo Amnesty International ayaa labaduba walaac muujiyay.

 

“Waa mid laga filan karay in ay ka dhacdo Moscow, ma ahan London,” ayay tidhi HRW.

 

Booliska Magaalada London ayaa waddooyinka dhigay ilaa 11,500 oo askari kaasi oo ah howlgalkii amni ee ugu weynaa abid ee ka dhaca London.

 

Ka dib marka Charles lagu subko saliid laga keenay Jerusalem ayuu Justin Welby oo ah hoggaamiyaha kaniisadda Canterbury, waxa uu caleemo saari doonaa boqor kadib, wiilkiisa amiir William ayaa ku jilba jabsan doona boqorka hortiisa isaga oo u ballan qaadi doona inuu daacad u noqonayo.

 

Wiilkiisa kale, Harry, ayaan dowr rasmi ah ku laheyn xafladda Harry ayaa qoyska reer boqor la leh xidhiidh adag ka dib markii uu bixiyay waraysiyo telefishan oo ka dhan ah qoyska uuna buug arrintaasi ka qoray.

 

Ka dib xafladda ayay Charles iyo Camilla ku laaban doonaan Buckingham Palace halkaasi oo lammaanuhu ay sameyn doonaan habka soo jireenka ah oo ay balakoonka dadka kaga gacan haatin doonaan.

 

Munaasabadda caleemsaarka ayaa ah tii u horreysay ee ilaa 1953-kii, iyo boqorkii u horreeyey ee dalkaasi tan iyo 1937-kii. Waa munaasabaddii u horreysay ee TV-yada laga baahiyo, waana tii u horreysay ee si toos ah looga daawanayo online-ka.