Soomaaliya: Dagaalyahanno Alshabaab oo lagu qabtay baxsad

Ciidanka dalka Soomaaliya ee ku sugan aagga degmada Ceeldheer ayaa nolosha ku qabtay ugu yaraan 2 dhagarqabe oo ka soo baxsaday Khawaarijtii xalay lagu laayey degaanka Ceel-Qaboobe oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Khawaarijtaan waxaa maanta lagu qabtay degaan lagu magacaabo Howdley oo dhaca inta u dhaxeysa Ceeldheer iyo Xarardheere, kuwani waxay ka soo badbaadeen howlgal xalay xilli dambe lagu laayey in ka badan 60 Khawaarij ah.

Khawaarijta ay ciidanka qaranku laayeen ayaa xalay isku dayday inay xeebaha gobolka Mudug kala soo degaan kiimikooyin halis badan oo laga sameeyo waxyaabaha qarxa, waxaana cadowga la xasuuqay ku jiray horjoogayaal ajaanib ah oo kooxda ka caawi jiray sameynta qaraxyada ay dadkeenna ku laayaan.