Ciidanka asluubta iyo Diyaar-garowga 18 May

Taliyaha guud ee ciidanka asluubta Somaliland, sarreeya guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), oo uu wehelinayo abaandulaha ciidanka asluubta Somaliland, sarreeyo guuto Xasan Cali Cawad ayaa maanta kormeer ku tagey goobta ciidanka asluubta Somaliland ay ka wadaan tababarka iyo diyaargarawga xuska maalinta Qaran ee 18-ka May 2023-Ka oo dhawaan inagu soo fool leh.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta ayaa goobtaas salaan kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta Somaliland.

Ciidanka ayaa ku jira gaardis ay ugu sii diyaar garoobayaan maalinta Qaranimada oo bilkasta xuso bishan 5-aad 18-keeda.

Taliyaha iyo abaandulaha ayaa ciidanka asluubta ee loo xulay kaqayb galka munaasibada xuska 18-ka May, sida fiican ee ay uwadaan hawsha diyaar garowga iyo shaqada ay Qaranka u hayaan.

Waxa ay kula dardaarmeen in gacana ay xuska diyaargarowga kuwadaan, gacana cadowga ku ilaaliyaan.

Madadha uu ka socdo diyaargarowga munaasibada ciidanka Asluubtu ayay ku soo badhigeen diyaargarow xoogle.

Sannadkasta bishan waxa ay ciidamada kala duwan ee Qaranku Somaliland sameeyaan gaardis ay ugu diyaargaroobayaan weyneynta maalintan.