Degaanka Fadhigaab oo lagu qabtay kulan lagaga arrinsanayay adkaynta nabadgelyadda.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse iyo maamulka degmada Gar-adag, cuqaasha iyo waayeelka ayaa siwqda jira uga hadlay xaalada nabadgelyo ee magaalada Fadhigaab.

Axmed Cabdi Muuse guddoomiyaha gobolka Sanaag, ayaa bulshada degaanka fadhigaab ku booriyay adkaynta nabadgelyada iyo sidii ay maamulka iyo waxgaradka ugala shaqaynlahaayeen ammaanka.

Geestooda maamulka iyo waxgaradka degmada Gar-adag ayaa bulshada degaanka Fadhigaab ku waaniyay inay ilaashadaa nabadgelyada.

Madaxdan iyo masuuliyiintan ayaa bulshaweynta degaanka Fadhigaab ku ammaanay sida ay markasta heeganka ugu yihiin ilaalinta nabadgelyadda.