Qof ku dhintay Bali Magaalada Hargeysa

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil ayaa ku geeriyooday dhaam ku yaalla Xaafada Digaale ee Koonfurta magaalada Hargeysa.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cali Faarax, ayay dadiisu ahayd 18 jir.

Ciidanka dabdamiska Somaliland oo gurmaday marxuumka Dhaamka ku geeriyooday ayaa baadigoob xoogan u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose ee Balligu ku dhagtay ku raadjoogeen Inay helaan.

Gabagabadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Hargeysa ku guuleysteen Balligana ka soo saareen maydka marxuumkaas iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista.

Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu fariin u dirayaa markastabana bulshaweynta Somaliland, isla markaasna ku adkaynayaa In ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada, Balliyada, Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo.

990 Gurmadka Degdega ah