Somaliland oo xayiraadii ka qaaday idaacada BBC-da

Hargeysa -(GNA) Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in ay xayiraadii ka qaaday idaacada BBC-da, kadib markii ay joojisay wadashaqayntii idaacada 19, July, 2022.

Kulan dhexmaray madaxda Wasaarada Warfaafinta Somaliland iyo madax ka socotay idaacada BBC-da ayaa horseeday in xukuumadu ay ogolaato in dib loo sii daayo idaacada oo muddo sannad ku dhow ay xayiraadi ka saarnayd deeggaanadda Somaliland.

“Wadahadal iyo kulamo dheer oo aanu wada yeelanay BBC qayteeda Afka-Soomaaliga, kulamadaas oo aanu ku qaadanay xarunta wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta waxaanu isla meel dhignay khilaafkii soo taxnaa” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeeda ay wasaarada warfaafintu soo saartay.

Somaliland ayaa BBC-da ku eedaysay dhexdhexaadnimo la’aan iyo in ay faafiso kali ah dhaliilaha Somaliland, isla markaana ay hoos u dhigto wanaagyadeeda, iyo in aanay shaqaalaysiin dhallinyarada reer Somaliland.

Cabashada kadib Somaliland ayaa albaabada isugu dhufatay dhamaan xafiisyadii BBC-da ee magaalada Hargeysa, waxaana hawada ka baxay dhagaysiga guud ahaan BBC World Service iyo laanta Afka-Soomaaliga ee deeggaanadda Somaliland.

BBC-da ayaa kamid ah idaacadaha loogu dhagaysiga badanyahay Somaliland iyo guud ahaanba gayiga ay Soomaalidu dagto, iyadoo bulshada Soomaaliyeed ay idaacadan muddo dheer warka ka heli jireen, aadna ugu kalsoonaayeen.