Siyaasi dambiyo Dagaal loo haysto oo ka baxsaday Xabsi “Suudaan”

Axmed Haaruun oo ah siyaasi hore oo Suudaani ah oo loo haysto dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada ayaa ka baxsaday xabsiga Kober ee magaalada Kharduum.

Siyaasigan Axmed Haaruun ayaa ka mid ahaa dadka ku xidhan xabsiga Kober ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum, kuwaasi oo loo haysto eedeymo ay u jeedineyso maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.

Warar ayaa soo baxay toddobaadkan oo ah jebinta xabsiga Kober – halkaas oo Axmed Haaruun iyo Cumar Al-Bashiir, madaxweynihii hore ee Sudan ay ku xirnaayeen.

Haaruun ayaa bayaan uu ka baahiyay TV-ga Tayba ee Sudan ku xaqiijiyay in isaga iyo Bashiir ay ka baxeen xabsiga , laakiin wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu horyimaado garsoorka mar kasta oo uu shaqeynayo.

Waxa uu Haaruun fure u ahaa howlgalo dad badan ay ku dhinteen dagaaladii sokeeye kuwaas oo ka dhacay Daarfuur (laga bilaabo 2003) iyo Koonfurta Kordofan (laga bilaabo 2011).

Waxaa sanadkii 2007 maxkamada ICC ku eedeysay inuu ku lug lahaa xasuuqii Darfur oo lagu tilmaamay inuu ahaa xasuuqii ugu horeeyay ee Qarnigii 21-aad xiligaasi oo uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Dhinaca kale dowlada Ingiriiska ayaa inkabadan saddex boqol oo ka mid ah muwaadiniinteeda degenaa Sudan ka daadgureysay iyagoo gaadhay wadanka Ingiriiska.

Mareykanka ayaa xaqiijiyay dhimashada qofkii labaad oo Mareykan ah oo lagu dilay dagaalada Sudan.

“Waxaan xaqiijin karnaa dhimashada muwaadin labaad oo Mareykan ah shalay.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyska,”Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Ugu yaraan 459 qof, oo ay ku jiraan rayid iyo dagaalyahanno, ayaa la dilay, in ka badan 4,000 oo kalena waa lagu dhaawacay tan iyo markii uu dagaalku billowday, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka ee Qaramada Midoobay, iyadoo soo xiganaysa Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka Sudan.

Ururka Dhakhaatiirta oo dabagala dhaawacyada rayidka ah, ayaa sheegay in ugu yaraan 295 rayid ah la dilay 1,790 kalena lagu dhaawacay.