Xukuumadda Somaliland iyo Idaacadda BBC-da oo wadahadal u bilowday

Wasaaradda Warfaafinta iyo Idaacadda BBC World Service ayaa bilaabay wadahadallo lagu xalinayo khilaafkii u dhexeeyay Dawladda Somaliland iyo BBC-da, kaasoo sababay in laga joojiyo Idaacaddaasi laga joojiyo inay ka shaqayso Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta JSL Md. Saleban Yuusuf Cali Koore oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaraddaasi iyo masuuliyiin kale, ayaa kulan la yeeshay Saraakiil ka socday laamaha BBC-da.

BBC-da ayaa ka hor intaan shaqada laga joojin caadaysatay baahinta barmaamujyo iyo dhacdooyin lidi ku ah Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay taasi sababtay inay shacbigu cabasho xooggan ka muujiyaan.