Kulan lagu horumarinayo Waxbarashada reer Miyiga oo ka dhacay Hargeysa

Hargeysa(GNA)-Wasiiradda wasaaraddaha waxbarashada iyo horumarinta reer miyiga iyo agaasimaha guud ee wasaaradda horumarintabreer miyiga, agaasime waaxeedyo iyo xeel-dheereyaasha labadda wasaaradood ayaa maanta kulan lagu gorfaynayay horumarinta waxbarashadda reer miyiga ku yeeshay xarunta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland.

Kulan laba geesood ah ayaa lagu gorfeeyay horumarinta waxbarshadda reer Miyiga, iyadoo la isla qaatay in la siiwado, islamrkaana halkii hore laga ambaqaado Barnaamijka waxbarashada miyiga ee Aqoon-jire, kaas oo ay hore u curisay wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland.

Labaddaa wasaaradood iyo dhinacyadda kale ee ay khusayso ayaa ka wada shaqaynaya barnaamijka Aqoon-jire oo ku salaysan tiknoolajiyadda casriga ah ee ku shaqaysa Tamarta Qoraxda, isla markaana lagu horumarinayo waxbarashada dadka reer miyiga iyo xoola dhaqato beeraleyda.

Haddaba Qodobaddii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa.

1. In labada wasaaradood si wadajir ah uga hawl-galaan horumarinta waxbarshadda dadka  miyiga.

2. In la sameeyo Daladda waxbarashda miyiga oo magaceeda la yidhaahdo, Daladda Aqoon-jire oo ka kooban labada wasaaradood iyo daneeyayaasha waxbarshadda iyo horumarinta reer miyiga.

3. Inuu qabsoomo kulan bile ah oo ay ka qayb gallaan xubnaha Dalada Aqoon-jire ee horumarinta waxbarashadda reer miyiga.

4. In la mideeyo khayraadka horumarinta reer miyiga si ay waxtar ugu yeelato deegaanada miyiga ah.

5. In la sameeyo cilmi baadhis iyo sahan xog-sugid ah si go’aamo iyo talo-wadaag xog iyo xaqiiqooyin ku salaysan loogu hoggaamiyo horumarinta deegaamada miyiga ah.