Gen. Moorgan oo la wariyey inuu ku soo biiray Maleeshiyaadka Laascaanood ka dagaalamaysa

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga JSL Md Cabdiqani Caateeye ayaa sheegay in General Moorgan oo ka mid ahaa saraakiishii xasuuqay in ka badan 50,000 oo shacabka JSL uu ka barbar dagaalamayo ciidanka maamulka Puntland iyo huwantan ku sugan magaalada Laascaanood.

General Morgan oo hore u ahaa la taliyaha Madaxwaynihii Somaliya ee Farmaajo haatanna ah la taliyaha Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa xasuuq shacab ka gaystay Hargaysa iyo guud ahaan ba Somaliland.

Kamid noqoshadiisa Kooxaha ka dagaalamaya Magaalada Laascaanood, ayaa muujinaysa cawaaqibka Colaada ka taagan halkaasi.