Puntland oo dilal qorsheysan iyo falal waxshinimo ah ka geysatay Laascaanood

Maleeshiyaadka Puntland gabboodka dhigtay Magaalada Laascaanood, ayaa bilaabay inay falal waxashnimo ah ka geystaan gudaha magaaladaasi.

Wararka ka imanaya magaaladaasi, ayaa waxay sheegayaan in xalay dil loo geystay nin kamida Dadka ka ganacsada Jaadka, kaasoo ay dileen maleeshiyaadka Puntland oo sidoo kalena lagu waramay in kufsi iyo dil isugu dareen Gabadh kamid ahayd dadka kooban ee gudaha magaaladaasi ay ku go’doomiyeen.

Ganacsadaha la dilay ayaa magaciisa la odhan jiray Maxamed Yuusuf (Doolaqash), kaasoo ahaa nin caan ah oo laga yaqaanay gobolka Sool.

Geesta kale, Alle ha unaxariistee Aamina Siciid Shire ayaa Maydkeeda laga helay gudaha Magaalada Laascaanood habeenkii Axadda, khaasatan aga-gaarka (HOTEL HAMDI).

Marxuumada ayaa la sheegay inay dileen Maleeshiyaadka Maamulka Puntland ee qaybta ka ah huwanta ka dagaalamaya Laascaanood.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dadka rayidka ah ee dilalka loo geystay siddeed iyo afartankii saacadood ee la soo dhaafay ay gaadhayaan ilaa afar qof, kuwaasoo la sheegay inay dhamaantood ku wada baxeen gacanta maleeshiyaadka Puntland, waxaanay dhacdooyinkaasi caddayn u yihiin ku lug-lahaanshiyaha Garoowe ee dilalkii qorsheysnaa ee laga geysan jiray Laascaanood. Sidoo kale waxay muujinaysaa in imaanshiyahooda duulaanka ah ee magaaladaasi uu salka ku hayo xasuuq iyo dabar-goyn bulshada deegaanka gobolka Sool lagu qoomayo.