Kumuu ahaa AHN Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa?

Dalka Turkiga waxa ku geeriyooday alle ha u naxariisto’e ee Siyaasiga caanka ahaa ee Ibraahim Mahdi Maxamuud Buubaa.
Marxuumka ayaa intii uu noolaa sooyaal taariikheed oo kala duwan lahaa, waxaanu ahaa Bare, Siyaasi iyo Halgamaa ka qaybgalay dib-u-xoreyntii Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba kumuu ahaa Prof Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa?
Saxafiga Cabdiqani Xuseen Baynax ayaa qormadan hoose ka diyaariyey Taariikh nololeedkii Marxuumka oo kooban.
wuxuu shahaadada PHD ka diyaariyay cilmi nafsiga iyo akhriska Jaamacada Boston gobolka Massachtess Wadanka Maraykanka
Hilaadii 1973. 1968 wuxuu kaalinta koowaad ka galay tartan loo qabtay dhalinyarada jasmacadaha USA oo ku saansanaa curinta sheekooyinka fiction Storieska loo yaqaan oo abaal-marin lacag lagu gudoonsiiyay. Kaas oo ay soo qabanqaabisay jaamacada brendies University magaalada Watertown gobolka Massachusetts USA.
Sanadkii 1969 wuxuu diyaariyay master degree ku saabsan qoraal samaynta ama curinta qoraalka Creative Writing, Jaamacada Syracuse ee gobolka New York.
Sanadkii 1964 waxa uu ku guulaystay laba abaalmarinood oo ku saabsan qoraalka gabayada iyo sheekooyinka samayska ah, isla Sanadkii 1965kii jaamacada gobolka New Mexico caasimadiisa Albuquerque ayuu ka diyaariyay bachelor degree tacliinta ah.
Waxa Kale oo uu machadkii luuqadaha NTech ka noqday macalin ilaa Dean.
Waxaanu isla xiliyaddaa Madaxii luuqadaha Ka noqdey Wasaaradii Waxbarashada iyo Barbaaribta ee dalkii soomaaliya.
Sanadkii 1973 jaamacada new hamshire magaalada Durham ayuu noqday dean of english dept.
Sanadihii 1974-1975 jaamacada Qaahira ee wadanka Masar ayuu ka noqday Agaasimaha qaybta barashada siyaasada.
Halka uu Sanadihii 1975-1977 jaamacada boqor Cabdicasiis faraceeda magaalada barakaysan ee Makka Ka ahaa Prof. Dhinaca luuqada Afka ingiriisiga ah Ka dhiga.
Sidoo kalena Marxuum Pro. Ismaaciil Sanadihii 1977-1984 Waxaa uu col Sare ka qabtey Mafco oo ah rugta ganacsiga Sucuudiga, khusuusan Agaasimaha qorshaynta, oo uu Mudadaa joogay
intaa kadib wuxuu ku biiray jabhadii SNM oo ka Mid ahaa ragii maal iyo muruqba galiyay golihii dhexe snm iyo gudida fulintaba ku jiray. Wasiir kii maaliyada ee u horeeyay somaliland buu noqday. Xukuumadii carta lagu soo dhisay ee Cali khaliif Galaydh oo jaamacad ka wada baxeen ayuu raysal wasaare ku xigeen noqday. Waxa kale oo uu soo qabtay wasiirka wasaaradaha maaliyada arrimaha dibada iyo waxbarashadii xukuumadii kala dambeeyay faderalka. Ilaahay qabriga ha u nuuro ehelkiisii iyo umada soomaaliyeedba samir iyo iimaan Ha ka siiy.