Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay Colaada Laascaanood

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in uu qabo in colaada Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo.

Sidoo kale waxa uu xusay in loo baahan yahay in loo wada hadlo, sifiican, oo caqliyadii ay ku jirto, waxaanu intaas ku daray in bini’aadamku xagga aragtida ku kala duwanaan karro, waxna kala taban karo, isla markaana wax qof sax u arki karo in ku kale ay khalad ula muuqan karto, balse in lawada hadla in ay ka mihiimsan tahay in la isdilo.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, sidoo kale waxa uu tilmaamay in uu markasta u taagan yahay sidii magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool loogu soo celilaha nabadgelyo waarta.

Geesta kale waxa uu sheegay in muddo ku dhaw 25 cisho uu magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool u joogay xalinta khilaafka ay ka dhalatay colaada hadda ka jirta, balse aanay xagga ALLE ka suurtagelin, waxaanu hoosta ka xariiqay in nabadu ay leedahay naas la nuugo.

Waxaanu yidhi.”Waxaan taagan nahay in si nabad iyo caqli ku jiro loo wada hadlo.

Waan maqlayey dad waaweyn oo annagoo goobta joogna, ciidankana hortaagan leh ciidankaa na soo weeraray.

Anigu mar kasta markii hore iyo imikaba waxaan taagan nahay nabad.”