Guddoomiyaha UCID Oo Booqday Dhalinyarro Kubbad Ku Ciyaarayay Garroonka Xawaadle Ee Hargaysa

Hargaysa (GNA): Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta booqday garroonka Kubbadda Cagta xaafadda Xawaadle ee degmadda 26-ka June ee caasimadda Hargaysa.

Halkaasoo xiliga uu guddoomiyuhu booqday ay ka socotay ciyaar Kubbadda Cagta ah oo ay wada ciyaarayeen qaar ka mida kooxaha caasimadda Hargaysa.

Waxaana booqashadaasi guddoomiyaha ku wehelinayay xubno ka mida masuuliyiinta xisbiga UCID.

Markii uu guddoomiye Faysal, halkaa gaadhay ayaa dhalinyaradii ku ciyaarayay garroonka Xawaadle, waxay u soo dhaweeyeen si xamaasad leh, iyagoo na ku dhawaaqayay erayo ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin booqashadda uu ugu yimid.

Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna si weyn ugu mahad celiyay dhalinyaradii garroonka ku ciyaarayay sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu halkaa kula daawaday dadweynihii ciyaarta daawanayay.

Booqashadaasi ayuu u jeedadeedda ku sheegay guddoomiyaha UCID mid dhiiri gelin ah, oo uu ku dhiiri gelinayay dhalinyaradda ciyaaraha jecel.

DAAWO: Maxaa Kala Qabsaday Guddoomiyaha UCID iyo Dhalinyarada Garroonka Xawaadle Ee Hargaysa: