“Waxaanu diyaar u nahay in xabada la joojiyo oo arrinta nabad lagu dhameeyo”Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (GNA)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in colaada Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo.

Waxaanu yidhi.”Aniga iyo dowlada iyo shacabka Somaliland dhamaantood waxay ka midaysnaayeen ilaa imikana ay ka midaysanyihiin arinta in xabada la joojiyo oo nabad lagu dhameeyo, marwalbana taasaanu u taganahay”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in haddii ay garaadadu midnimo rabaan looga garaabi karo, lakiin arrinta midnimada iyo kala go’a ay dowlada Soomaaliya uga masuultahay, oo ergayga dhawaan la magacaabay ay shaqadiisa tahay.

Waxa uu sheegay in dadka reer Sool ay qayb ka ahaayeen axdi qarameedkii Somaliland lagu dhisay, isla markaana wixii tabasho ah aanay ahayn in dagaal loo maro, isaga oo cuqaal iyo siyaasiyiin reer Sool ah ku eedeeyay in ay sababeen dhibaatada Laascaanood.

Madaxweynuhu maamulka Puntland ayuu dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ku dacweeyay, isaga oo sheegay in maamulkaasi Soomaaliya kamid yahay hadana uu dagaalka si buuxda ugu jiro, loona baahanyahay in dowlada federaalku wax ka qabato.