Taliyaha Guutada 12aad ee Ciidanka Qaranka oo ka hadlay Xaalada Laascaanood

Kadib dagaalkii shalay dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kooxaha huwanta ku dhexmaray magaalada Laascaanood, mileteriga Somaliland ayaa markale ku dhawaaqay in uu qaadayo talaabooyin hor leh.

Taliyaha Guutada 12-aad ee Millateriga Somaliland Faysal Cabdi Bootaan, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanku uu qaadayo talaabooyin millateri oo xoogan.

Waxaanu yidhi.”Ciidanka qaranku howlgaladiisii dagaal wuu sii laban laabayaa, talaabo lama ilaawaan ah ayay ka qaadi doonaan huwanta”.

Taliyuhu waxa uu sheegay in xoogaga kasoo horjeeda uu khasaare wayni kasoo gaadhay dagaalkii shalay, isaga oo si gaara maamulka Puntland ugu eedeyay in uu caddaystay dagaalka.