Jaamacadda Beder oo heshiis la gashay labo ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn dalka Sudan

Jamacadda Beder oo ah Jaamacad ay ictiraafsan tahay Wasaaradda Tacliinta sare ee dalka Sudan ayaa waxa ay heshiis wada shaqayneed iyo Iskaashi la gashay Jaamacadda weyn ee Univeristy of Gadarif ee ku taala dalka Sudan oo ah Jaamacad Xukuumiya ,waxaana heshiiska kala saxiixday Gudoomiyaha Jaamacadda GADARIF Proff, Ibtisam Eltayeb Eljack Ahamed Iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Beder Mubarik Ibrahim Aar.

Waxay sidoo kale Jaamacadda Beder heshiis wada shaqayneed la gashay Jaamacadda weyn ee University of KASSALA ee ku taala dalka SUDAN oo ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn dalka Sudan. Waxaa dhinaca Jaamacadda beder heshiiska u saxiixay Gudoomiyaha Jaamacadda Mubarik Ibrahim Aar halka Jaamacadda KASSALA ay u saxeexday gudoomiyaha Jaamacaddaasi Proff, Amani A.Maruuf Bashir Osman.

Jaamacadahan ayaa kula heshiiyay Jaamacadda Beder inay ka wada shaqeeyaan dhinaca Cilmi-baashista, Macalimiinta,Tababarada iyo kor u qaadidda Tayada Waxbarashdada.