Maamulka Kilalka Oromada oo dugsi waxbarasho ka dhisay deegaanka Soomaalida

Dugsi uu Deegaanka Oromiya ugu deeqay Deegaanka Soomaalida ayaa loo dhisay qaab casri ah ayaa xadhiga laga jaray.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Madaxweynaha Deegaanka Oromiya, mudane Shimalis Abdisa ayaa xadhiga ka jaray dugsi sare oo ay darajadiisu tahay nooca 1aad. Dugsigan oo laga dhisay magaalada Jigjiga magaciisuna yahay Kaah ayuu madaxweynaha Deegaanka Oromiya ugu deeqay shacabka Deegaanka Soomaalida, waana mid lagu xoojinayo xidhiidhka iskaashi ee labada Deegaan.

Dugsigani sare oo laga dhisay xaafado aad ugu baahan ayaa ku suntanaan doona iskaashiga walaalnimada iyo xidhiidhka taariikhiga ah ee labada shacab ee xuduudda dheer wadaaga ee Soomaalida iyo Oromada.