Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo kulamo wacyigelin ah fulisay

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa maanta kulamo wacyigelin ah ka fulisay wasaaaraddaha, warfaafinta, xanaandadda xoolaha, gaaashandhiga iyo horumarinta biyaha.
Wacyigelintan Diiniga ah ayaa ku saabsaneyd fadaa’isha bisha barakaysan ee Ramadaan iyo cibaadooyinka ay la gaarka tahay.
Culimada Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wassaraddaha iyo hay’addaha dawladda ee kala duwan kawada baraarujin la xidhiidha ahmiyada bisha Soonqaad.
Culima-aw-diinka wasaaradda Diinta ayaa intii ay bilaabantay bishan fadliga iyo cibaadada dheeriga ah loo gaar yeelay ee Ramadaan waxa ay wadeen, waano, wacdi iyo wax sheeg la xidhiidha bisha Ramadaan, waxyaabaha ay tahay in laga dheeraado iyo wixii ay tahay in aad ka fogaato ee Soonka kaa naaqusinaya.
Waa tallaabo loo qaaday xagga wanaaga oo ay ku tallaabsatay wasaaradda Diinta u qaabilsan Somaliland.
Qaybaha kala duwan ee shaqaalaha ka hawlgala laamaha dawladda ayay baraarujin iyo waano u tahay wacdiga joogtada ah ee ay culimada wasaaradda diinta iyo awqaadtu ay kawadaan dhammaanba xarumaha dawladda, iyada oo dad badan ay waanno iyo wax ku qaadasho u tahay wacdiyada diiiniga ah ee ay marinayaan culimadu.
Sannadihii u danbeeyay waa qorsheyaasha guulaystay ee ay la yimaadeen madaxa iyo culimada wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland, waana qorshe waxtar weyn u leh bulshada Somaliland iyo shaqaale weynaha kala duwan ee ka hawlgala wasaaraddaha iyo hay’addaha kala duwan ee dalka.
Wacyigan diiniga ah ayaa qorshaha wasaaradda diinta iyo awqaaftu uu yahay in ay wadaan mudada lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadam.