Maayar ku-xigeenka Xudun: Laascaanood waxa ku dagaalamaya Puntland oo cadaymo..”

Maayer ku-xigeenka degmada Xudun ee gobolka Sool Cabdinaasir Cabdiqaadir Guurre, ayaa maamul goboleedka Puntland ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan dhibaatadda, rebshadaha iyo colaadda ka aloosan gobolka Sool gaar ahaana magaaladda Laascaanood.

Waxaanu tilmaamay in aan laga aamusi karrin dhibaatadda lagu hayo bulshadda reer Sool oo mar ba inta been loo sheego dagaal la gelinayo, isla markaana ay halkaa ku dhamaadeen dad masaakiin ah.

Cabdinaasir Cabdiqaadir Guurre, maayar ku-xigeenka degmada Xudun ee gobolka Sool oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Burco, oo uu hawlo shaqo u joogo ayaa sidoo kale ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay kooxaha huwanta ah ee dagaalka ka wadda magaaladda Laascaanood.

Kuwaasoo isaga ku dhaliilay inuu garrab istaagay ama uu taageeray ciidamadda qaranka Somaliland ee iska difacaya dagaalka ay kooxaha huwanta ah ka wadaan magaaladda Laascaanood. “Xalay (habeen hore), waxaan daawaday dad lahaa mar haddii maayar ku-xigeenkii degmadda Xudun, oo aniga ah uu hadlay, Xudun ma soo geli karro. Taa wax ba ku rafan mayo, oo waxaan leeyahay cidda Xudun al-baabkeedu u xidhan yahay, ee furreyaasha iga haysata marka aan imaado ha igu xidho” ayuu yidhi maayar ku-xigeenka Xudun.

Cabdinaasir Cabdiqaadir Guurre, waxa kaloo uu sheegay in fidnadda ka socota Laascaanood ay ka danbayso Puntland, isla markaana ciidamadda qaranka Somaliland ay dagaalka wadayaan ilaa inta ay Puntland ka baxayso Laascaanood.

Waxaanu yidhi, “Fidnaddaa Laascaanood ka socota, waa in laga hadlaa, dib na looga aamusi maayo. Laascaanood waxaa ka socota fidno, waxaana ka socota dhibaato. Caalamka, iyo dalalka Geeska Afrika ba, waxaan u sheegayaa Laascaanood waxaa ka dagaalamaysa Puntland. Waxaanu og nahay dad inta ay magaaladda Laascaanood Jiib la dhacaan, hada na odhanaya Somaliland baa na duqaysay. Intaanu hore u qarinayna, dib u qarrin mayno.

Sidaan hore u sheegay, anigu waxaan garrab taagan nahay ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somaliland. Shalay Hargaysa, ayaan joogay, maanta na (shalay) Burco, ayaan joogaa, caawa na (xalay), waxaan tegayaa Goojo-cadde, saldhigayga na waxaan ka dhigayaa Dhoodi. Dagaalku na wuu soconayaa, oo inta ay Puntland Laascaanood ku jirto dagaalku ma is-taagayo. Laascaanood Puntland baa ka dagaalamaysa”.

Geesta kale maayar ku-xigeenka degmadda Xudun, ayaa baaq u diray bulshadda gobolka Soo loo uu ugu baaqay in ay iskaga hadhaan hadaladda beenta ah ee ay dadka danaha gaarka lihi ku dagaal gelinayaan.

“Waxaan u sheegayaa ummada reer Sool, ee dhibaatadda lagu hayo, ee mar ba inta been loo sheego, la lug-goynayo, ee la leeyahay wayu dagaalamaynaa, oo waynu shahiidaynaa. Waar caqli yeesha, Somaliland kama baxayso Sool, ma na tegayso, meel na uma socoto, dadkii na ku baaba’a. waayo? Dad masaakiin ah ayaa maalin walba la soo ururinayaa, oo la leeyahay waa la jihaadayaa, wax allaale wax iska bedelayaa na ma jiraan”ayuu yidhi maayar ku-xigeenka degmadda Xudun.

Dhinaca kale C/naasir C/qaadir Guurre, ayaa ciidamadda qaranka Somaliland ku bogaadiyay dagaalka ay kula jiraan kooxaha huwanta ah ee ka dagaalamaya magaaladda Laascaanood, waxaanu si gaara ugu hanbalyeeyay Kornayl, Mahad Canbaashe, oo ka mida saraakiisha ciidanka qaranka Somaliland ee hogaaminaya dagaalka.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaan halkan ka hanbalyaynayaa ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland sida uu Dhiigiisa ugu daadinayo jiritaanka qaranimadda Somaliland. Waxa kaloo aan halkan si gaarra uga hanbalyaynayaa Kornayl Mahad Canbaashe, oo hadda xeeladihiisii la soo kala baxay.