Xaalada magaalada Laascaanood oo degen iyo wararkii u dambeeyey ee dagaal ka dhacay

Xaalada Magaalada Laascaanood ayaa caawa degen, kaddib dagaal culus oo ka dhacay maanta.

Dagaalka ayaa u dhexeeyey Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaad hubaysan oo muddooyinkii dambe ku sugnaa gudaha Magaaladaasi.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Dagaalka oo socday saacado badan, laysuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Maleeshiyaad huwan oo ay kamid yihiin Ciidamo Puntland ah, ayaa saaka weerar ku qaaday fadhiisimo Ciidamada Qaranku ku leeyihiin nawaaxiga Magaalada Laascaanood.

Xukuumadda Somaliland oo war qoraal ah ka soo saartay dagaalka Laascaanood, ayaa sheegtay in kooxo huwan ah oo iskugu jira ciidamada Puntland, kooxo nabad diid ah iyo argagixiso is bahaysatay ay saaka weerar kusoo qaadeen fadhiisimada ciidanka millateriga, waxayna sheegtay in millaterigu ay iska difaaceen weerarka.

Warkan ka soo baxay xukuumadda ayaa u dhignaa sidan:

“Kooxaha huwanta ah ee isugu jira Ciidanka Maamulka Puntland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah Ee ku sugan Laascaanood ayaa Barqadii Maanta oo ah maalintii Afraad Ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxa ay weerar ku soo qaadeen fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan duleedka Magaalada Laascaanood.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si adag ayay isaga difaaceen weerarka ay soo qaadeen kooxaha huwanta ah oo maalmahan u danbeeyayba abaabulkiisa waday kuwaasoo ay hogaaminayso Puntland, iyadoo marnaba Ciidanka Qaranku aanu weerar ahayn, ilaalinayo xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, tiraba dhawr jeer. Xiligan lagu gudo jiro bisha Ramadaan ee khayrka leh oo ah bil cibaado iyo Alla ka cabsi, balse aanay huwantu xeerinayn wanaaga Alle ina Faray.”