Togdheer: Roob Khasaare geystay oo ka da’ay deegaanka Taalla-buur

Hal qof ayaa ku dhintay, kuwa kalena way ku barakaceen, hantina way ku burburtay Roobka Gu’ga oo ka curtay degaanka Taalo-buur ee gobolka Togdheer.

Guddoomiyaha degaanka Taalo-buur Maxamed Ibraahim ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Roobabka Gu’ga eek a curtay degaankaasi, waxa uu sheegay in daadkii ka dhashay Roobkani ay qaadeen xoolo tiradoodu kor u dhaafayso laba kun oo neef.

Mid mida odayaasha degaanku waxa uu sheegay in guud ahaan goobihii ay bulshadu ka adeeganayeen ee tukaanadii iyo bakhaaradii dhammaantood uu daadku qaaday, uu dumiyay laba iyo toban bakhaar oo ah kuwii ay bulshadu ka adeeganaysay, waxaaney xukuumadda Somaliland ka codsadeen in Gurmad deg deg ah loo fidiyo.

Xoghayaha gobolka Togdheer Cabdi Maxamed Ciise ayaa sheegay in ay xukuumadda Somaliland gaadhsiin doonaan khasaaraha naf iyo maalba leh ee uu gaystay Roobkii Gu’ga ee ka curtay degaanka Taallo-buur, waxaanu intaas ku daray in marka la qiimeeyo khasaaraha Roobabka Gu’ga iyo Daadka ay soo rogmadeen ay gaysteen in laga soo jawaabi doono.