Tartanka Qur’aanka oo lagu soo gabagabeeyey Hargeysa

Magaalada Hargeysa oo lagu soo gaba’gabeeyay tartan Qur’aanka Kariimka ah oo ay maalgelisay dawladda hoose ee Hargeysa, isla markaana ay fulinaysay mu’assasada Al-karam ee wacyigelinta iyo horumarinta bulshada.

Munaasibadii lagu gaba’gabaynayay tartankaasi Qur’aanka Kariimka waxa ka soo qaybgalay wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta, maayirka caasimada Hargeysa, waalidiinta ubadka ka qayb galayay tartankan iyo marti sharaf kale.

Sheekh Mahad Maxamed oo ka mida mu’assasada Al-karam ayaa duqa caasimada Hargeysa iyo golihiisa degaanka uga mahadceliyay qabashada tartanka Qur’aanka Kariimka ah, waxaanu sheegay in ay tahay taariikh ay u soo kordhiyeen caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaa uu intaas ku daray in ay ka soo kala xuleen Jimciyaadka Qur’aanka Kariimka ah, waxaanu xusay in ay ka soo xuleen 244 arday, isla markaana ay ka soo baxeen 48 arday, waxaana kaalmaha koowaad iyo labaad iyo saddexaad u soo gudbay 6 arday, kuwaas oo 3 ardayda ay matelayaan hablaha 3-na ay matelayaan wiilasha.

Duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay in taariikhda markii koowaad ee dawladda hoose ay tartan Qur’aanka Kariimka ah ay u qabato ardayda wax ka barta madaarista Qur’aanka ee kuyaala gudaha magaalada Hargeysa, waxaanu tilmaamay in ujeedada ay ka leeyihiin ay tahay in ay carruurta reer Hargeysa ay ka qayb galaan mustaqbalka tartanada Qur’aanka Kariimka ee lagu qabto dalalka caalamka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in bulshada caasimada ay wanaag u tahay in cashuurtii laga ururiyay khayrkana lagaga shaqaynayo, tartankan Qur’aanka Kariimka ahna laga maalgeliyay cashuurtii muwaadiiniinta.