Ururka STAND CHARITY oo Kaalmo Raashin ah gaadhsiiyey 40 Qoys oo Danyar ah

Ururka Waddaniga ah ee STAND CHARITY ORG ayaa Kaalmo Raashin ah u qaybiyey Afartan Qoys oo danyar.
Kaalmadan ayaa qayb ka ah barmaamuj Afuri Walaalkaa oo uu Ururkani sanad walba bisha Ramadaan gaadhsiiyo Dadka danyarta ah.

Qoys walba waxa la siiyey raashin ka kooban cuntada daruuriga ah oo ay ku iiraan kuwa la isticmaalo Ramadaanta.

masuuliyiinta Ururkan ayaa sheegay inay kaalmadan soo gaadhsiiyeen xubno qurbo-joog ah oo ururka kamid ah, kuwaasoo ay si weyn ugu mahad-naqeen.

waxa kale oo ay ku booriyeen dadka wax haysta inay caawiyaan kuwa danyarta ah ee baahan wakhtiga Ramadaanta iyo mar kasta.