Lafo-gurka Qabyo-qoraalka Xeerka Wershadaha JSL oo kulan loo qabtay

Waxa Saaka oo Arbaca ah ka qabsoomay Baraar Hotel Hargeysa kulan Wadatashi ah oo lagaga hadlayey qabyo-qoraalka Xeerka Hormarinta Warshadaha, waxaana soo qabanqaabisay Wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo wershadaha oo muddooyinkan dambe deddaal ugu jirtay sidii ay u dhamaystiri lahayd siyaasaddaha iyo shuruucda qabyada ah ee la xidhiidha maalgashiga iyo aasaaska wershado dalku yeesho.

Kulankan waxa ka soo qaybgalay Madax kala duwan oo ay kamid yihiin;

1. Wasiir ku xigeenka Wasaradda Hawlaha Guud dhulka iyo Guuriyeenta Maxmuud Warsame Jamac

2..Mayarka Magaalada Hargaysa C.karim Axmed Mooge

3.AG.uud ee Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cismaan Siciid .

4. AG. Guuud Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska.

5. AG.Guud ee Wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jiidadka

6. AG. Guud Wasaarada Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha

7. Gudoomihaya Ururka Warshadlayda

8. Agaasimaha Guud ee Hayada Caymis ka qaranka

9. Gudoomiye ku xigeenka Madabacada Qaranka

10.Gudoomiyaha dib u haybaynta shuruucda

11.Ag guud Wasaaradda Arimaha Dibada

Madax ka socota Hayadaha Madaxa baanan iyo kuwa dawliga ah, khabiiro, Sharciyaqaano iyo daneeyayaasha arrimaha Warshadaha, ayaa sidoo kale ka qaybgalay shirkan oo ujeedadiisu ahayd in la-gur lagu sameeyo qabyo-qoraalka Xeerka Warshadaha oo uu dalku baahi weyn u qabo, isla markaana loo diyaarinayo sidii uu u noqon lahaa Xeer midha-dhala oo dalka iyo dadkaba anfacaya.

Dhamaan Madaxdii kala duwanayd ee ka hadashay Kulanka waxay sheegeen oo ay ku dheeraadeen Muhiimada iyo Faa’idada uu u leedahay Xeerkani Horumarinta Warshadaha Dalka taas oo Baahi weyn loo qabay Hirgelintisa.

Masuuliyiinta Wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo wershadaha oo madasha ka hadlay, ayaa ka qaybgaleyaasha ka codsaday inay si qoto dheer u naaqishaan qabyo-qoraalkan sharci, isla markaana door aqooneed iyo mid farsamo ba ku eeggaan.

Waxay intaasi ku dareen in Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ay muddo badan ka shaqaynaysay aasaaska xeerkan, iyadoo guddanaysa waajibaadkeeda masuuliyaddeed.

Kulankan oo hal maalin socday waxa soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Maxamed Cismaan Siciid (M.Somali) oo ka qaybgaleyaasha uga mahad naqay wakhtiga ay geliyeen doodda xeerkan muhiimka ah.