Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif uu ku xad gudbay Qaranimada Somaliland

Hargeysa -(GNA)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ka baxay xayndaabkii Somaliland.

Madaxweyne Ku xigeenka oo waraysi siiyay warbaahinta, ayaa Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ku eedeeyay in uu ku kacay fal ka dhan ah jiritaanka Somaliland kadib markii uu taageeray go’aamadii garaadada ku sugan magaalada Laascaanood.

Waxaanu yidhi.”Waxan aaminsanahay in uu ka talaabay xadkii Somaliland, eedayntu waxay taagan tahay in aan isku toosino ama isku dhaliilno xayndaabkeena, ee loogu doortay in uu guddoomiyihii golaha wakiilada noqdo”.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in guddoomiye Khaliif uu taageeray guddida 33-ka ah oo uu sheegay in aanay cidna dooran, isla markaana uu hoos tagay calanka buluuga ah ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in laga rabay in uu isagu wax saxo ee aanu raacin.

Waxa kale oo uu ku eedeeyay in uu ciidanka been ka sheegay.

Waxaanu yidhi. “Waxa uu sameeyay hadalo ku dar dar ah oo ciidanka Somaliland ah, oo uu yidhi ciidamadu rag bay guryo kala baxeen, iyo dad ayay gaadhiyo kala hadheen oo ay laayeen, waxan leeyahay waa eedayn looga fadhiyo caddaynteeda”.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo dhawaan warbaahin kula hadlay Laascaanood, ayaa sheegay in uu taageersanyahay go’aamadii ay soo saareen Garaadadu, isaga oo ciidamada ku eedeeyay in ay duqayn ka gaysteen magaalada.